Saacadihii hore ee shalay oo sabti aheyd ayaa waxay Dooni ku degtay Webi ku yaalla Gobalka Nangarhar ee Bariga dalka Afgaanistaan.
Ilo-wareedyo ayaa sheegay inuu Matoorka Doonida ku dhacay Webiga, xilli ay Doonida maraysay Deegaanka Basal oo ka tirsan Degmadda Mohanad Dara ee gobalka Nangarhar.
Saraaakiisha Maamulka Maxaliga ee Taalibaan ayaa sheegay inay 20 qof ku dhinteen Shilkaasi, halka 5 kalena la soo badbaadiyey.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobalka Nangarhar ayaa la sheegay inay Doonida degtay qiyaastii 7:30 ee xilliga waqtiga dalkaas Afgaanistaan.
Rakaabka la socday Doonida qalibantay waxaa ka mid ahaa Haween iyo Carruur, kuwaasi oo ku haftay Webiga, maadaama aysan aqoonin qaabka loo dabaasho.