Madaxa Hay’adda Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas ee Caalamiga (ICRC), Peter Maurer ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas oo uu siiyey Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA, wuxuuna ugu baaqay Beesga Caalamka inay wax ka qabtaan Xaalladaha Aadminimo ee ka jira dalalka Somaliaiyo Koonfurta Suudaan.
“Dadka Rayidka ku nool Somalia, waxay weli la daalla-dhacayaan Dhibaatooyinkii ka soo gaaray Colaadaha. Haatan ICRC waxay walaac xoogan ka muujinaysaa colaadaha sii socda” ayuu yiri Madaxa Hay’adda ICRC.
Waxa uu intaasi ku daray in Nabadgelyo la’aantaasi hoos u dhigtay sidii Taageerada Cuntada, Daawadda iyo Biyaha loo gaarsiin lahaa Barakacayaasha ku sugan qeybo badan oo ka mid ah Somalia.
Madaxa ICRC waxa uu tilmaamay in 12-kii bilood ee la soo dhaafay soo hagaagttay sidii Kaalmooyinka loo gaarsiin lahaa Barakacayaasha ku nool dhowr Gobal oo hoos taga Maamulladda Jubbaland iyo Somalia.
Dhinaca kale,Madaxa Hay’adda Bisha Cas iyo Laanqeyrta as ee Caalamiga (ICRC),Peter Maurer waxa uu saadaaliyey inuu Somalia geli doonto Waa’ Cusub oo Nabad iyo Deganaansho marka ay Doorashadda Madaxtinimadda Somalia dhacdo dabayaaqadda bisha October ee soo socota.
“Waxaan dhamaanteena rajeynaynaa in Colaadaha ka jira Somalia la xalin doono oo ay xaalladu soo hagaagayso” ayuu yuru usagoo rajeeyey inay Deganaansho Nololeed ka dhici doonto Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda Caalamiga ee Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas “ICRC” waxay 25-kii sanno ee la soo dhaafay Samafal Aadminimo soo gaarsiiyeen dadka ku dhibaataysnaa gudaha Somalia, gaar ahaan kuwa ku dhaawacmay Colaaha, Barakacayaasha iyo dadka ay Abaaruhu saameeyeen.
©Radio Dalsan