Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya iska horimaad khasaaro keenay oo ciidamada boliska iyo maleeshiyo ku dhexmaray suuqa kaaraan.

Ugu yaraan 2-ruux ayaa ku dhaawactanay iska horimaad maanta ka dhacay suuqa kaaraan.

Iska horimaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamada boliska degmadaas iyo koox hubeysan oo  lacago sharrci daro ah ka qaadayay gaadiidka dadweynaha.

Dadka dhaawacmaya ayaa isugu jiray qof shacab ah iyo mid kamid ah kooxdii lacagaa sharci darada aqaadeesay.

Mid kamid ah ganacsatada suuqaasi ayaa inoo sheegay in iska horimaadkaas uu dhacay saake islamarkaana ay ka dhashen khasaaro .

Kooxda hubeesan ee maanta laga eryay suuqaas ayaa maalmihii ugu dambeeyay suuqaa dhiganayay isbaaro kuwaa oo lacago sharci daro ah ka qaadayay gaadiida dadweynaha.

Maamulka degmada kaaran iyo saraakiisha saldhga boliska degmadaas wali kama hadlay iska horimaadkaasi.

Halkan ka dhageyso Goobjooge:

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media