Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wargeyska The East African ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, wuxuuna xusay inuusan jirin Dal ka tirsan Caalamka oo oggolaanayo Marnaansho Hoggaamineed ama Madax Dowladeed oo xilka ka dega dib-u- dhaca Doorashooyinka.
Madaxweynaha waxa uu mar kale ballan qaaday inay Doorashooyinka dhici doonaan Xilligii loo cayimay, isagoo xusay inay Ummada Soomaaliyeed ka rajeynayaan inay doorashaddu dhacdo.
“Afartii sanno ee la soo dhaafay, waxaan ballan qaadnay in aan Somalia ka dhisayno Dimuqraadiyad. Taas micnaheedu waxay tahay inaan dib u qorno Dastuurkeena, Federaalaynta Somalia iyo inay dalka oo dhan ka dhacdo Doorasho sannadka 2016-ka” ayuu Madaxweynuhu ku yiri Wareysiga uu siiyey Wargeyska The East African.
Wuxuuna intaasi raaciyey in lagu guuleystay dadaalkii ay Bulshadda Soomaaliyeed u galeen iyagoo taageero ka helayo Beesha Caalamka iyo Barlamaanka Federalka.
Madaxweynaha waxa uu gaashaanka ku dhuftay Eedeymaha ay qaar ka tirsan kuwa la loolamaya ku sheegeen inuu Madaxweynuhu soo xulay Xubnaha Guddiga Doorashadda Qaranka
Waxa uu sheegay inuu Guddigaas ku yimid Nidaam, isla markaana ay Golaha Wasiiradda soo gudbiyeen, kadibna ay ansixiyeen Madaxda Madasha Wada Tashiga Qaranka ee NLF.
Waxa uu tilamaamay in mas’uuliyadda Guddigaasi tahay iany kormeeraan sidii ay Doorashadda ugu dhici lahayd Hufnaan iyo Caddaalad iyo inay iskaashi shaqo la yereshaan Kooxda Doorashadda Federalka, Odayaasha iyo Kormeerayaasha Caalamiga.
Wareysiga uu Madaxweynuhu siiyey Wargeyska The East African waxa kale oo uu kaga hadlay waxyaabihii u qabsoomay 4-tii sanno ee la soo dhaafay, wuxuuna tilmaamay inay Dowladda diiradda saartay Dib-u-furista Wasaaradaha, Horumarinta Sharciga, Aasaas-u-dhigidda Jadwalka Shaqo ee Deganaanshaha, Isbedelka, Hawl-gelinta Siyaasadda iyo in si buuxda loo hawl geliyey Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Waxa kale oo uu xusay in wax laga qabtay Burad-baddeeda iyo in ku-dhawaad 75% Deegaanaddii ay Alshabaab horey u haysteen ay haatan ku jiraan gacanta Dowladda Federalka.
Mar wax laga weydiiyey Weeraradda Alshabaab ee sii kordhayo iyo walaaca Nabadgelyo-xumidda, waxa uu sheegay in ay Alshabaab bedeleen Xeeladooda, kadib, markii laga saaray inta badan dhulalkii ay horey u maamuli jireen.
“Hataan Waxaan aragnaa inay Alshabaab beegsadaan dadka Rayidka, waxaana aad u adag in loo joojiyo qof doonaya inuu is-dilo” ayuu yiri Madaweynaha oo intaasi ku daray inay Dowladiisa ku guuleysatay inay Hoggaamiyayaal sarsare oo ka tirsan Alshabaab oo la hor geeyey Caddaaladda, halka kuwa kalena lagu fuliyey xukun dil ah.
©Radio Dalsan