Howlgal dad lagu qabtay oo xalay ka dhacay Kismaayo

Ciidamada amaanka ee maamulka Jubaland aya xalay howlgal balaaran waxa ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubaland waxaana lagu qabtay dad dad badan.

Howlgalkaan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafado habiinadii la soo dhaafay lagu dilay nabadoon iyo askari ka tirsanaa ciidanka amaanka ee maamulkaas dilkaas oo dadkii ka dambeeyay ay baxsadeen.

Inta uu socday howlgalka waxaa lagu qabtay dad u badan dhalinyaro kuwaas oo lala xiriirinayo falalka amni daro ee maalmihii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada Kismaayo.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay eek a dhacay Kismaayo waxaa ka hadlay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ooku amray hay’adaha amniga in ay soo qabtaankooxihii dilalka ka geystay Kismaayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media