Ilaaladda Kacaanka Iiraan waxay sheegeen inay Daroon basaas ah ku soo rideen meel ku dhow Degmadda Kohamborak ee GobalkaHormozgan ee Koonfurta dalkaasi.
Websaytka Sepah ee ay Ilaaaladda Kacaanka Iiraan leeyihiin ayaana saakayto la soo dhigay warka ku aadan in Diyaaradda Daroonis oo nooceedu ahaa RQ 4 Global Hawk spy drone la soo riday kadib, markii ay ku so oxad-gudubtay Hawada dalkaasi.
Dhinaca kale, Afhayeenka Taliska Dhexe ee Milliteriga Marayaknak, Kabtan Bill Urban ayaa beeniyey in Daroon looga soo riday gudaha Iiraan, isagoo tilmaamay inaysan jirin wax Daroon oo ku xad-gudubtay Hawada Iiraan.
Xiisadda labada waddan ayaa sii kordhayso, iyadoo ay Maraykanka sheegeen inay kun Askari oo dheeraad ah iyo GantaalladdaBatriyoot iyo Diyaaradaha Darooniska u soo daad-gureynayaan Bariga Dhexe, gaar ahaan Gacanka Hormuz ee u dhow Xeebaha Iiraan.