Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Kiristiyaane Nazilani Kiiyo ay Baaqaasi ku sheegtay mar ay Saxaafadda la hadashay.
Waxay sheegtay inay aragtay Muuqaalka ay Xarakadda Alshabaab soo bandhigeen, isla markaana aqoonsatay in Askariga la soo bandhigay uu ahaa Wiilkeeda Leonard Maingi oo 41-jir ah.
Waxay kaloo ugu baaqday Dowladda Kenya inay dadaal u galaan sidii lagu sii dayn lahaa Wiilkeeda oo ay xustay inay Warkiisa maqlin tan iyo markii uu yimid Somalia bishii Janaayo 1-da ee sannadkan.
Dhinaca kale, Askarigaasi ayaa horey ugu baaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta in Ciiddanka Kenya laga wada saaro gudaha Somalia, si loo badbaadiyo Askarta uu ka mid yahay ee ay Xarakadda Alshabaab ku qabteen weerarkii bartamihii bishii Janaayo ee sannadkan ka dhacay Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
Weerarkaasi waxaa lagu dilay in ka badan 100-Askari oo Kenyan ah, iyadoo kuwo kalena ay Alshabaab maxaabiis ahaan u qabteen.
Sidoo kale, Dagaalamayaasha Alshabaab waxay weerarkaasi ku qabsadeen Gaadiid Dagaal iyo hub fara badan.
©Radio Dalsan