Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Sevilla ee dalka Spain, Marwo Amina Mohamed, oo ah Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, xilli uu halkaasi ka socdo Shirka Caalamiga ah ee Maalgelinta Horumarinta (Global Development Financing Forum).
Kulanka labada mas’uul ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, taageerada nabadda, iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee dalka.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa uga mahadceliyay Marwo Amina Mohamed doorka firfircoon ee Qaramada Midoobay ka qaadatay taageerada Soomaaliya, isagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta iyo in si dhakhso ah loo hirgeliyo mashaariicda horumarineed ee saameynta leh.
“Taageerada Qaramada Midoobay waxay door weyn ka ciyaartay xasilinta iyo dib u dhiska Soomaaliya. Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa kaalinta Qaramada Midoobay ee ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha, iyo fursadaha shaqo ee dhalinyarada,” ayuu yiri Mudane Saalax Axmed Jaamac.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga caalamiga ah si loo kordhiyo maalgelinta horumarka, loona yareeyo saboolnimada iyo shaqo la’aanta, taas oo qayb ka ah yoolalka istaraatiijiyadeed ee dowladda.