Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada Fekon-ta ayaa maanta banaanbax cabasho ah ka dhigay isgoyska muhiimka ah ee KM4 ee magaalada Muqdisho, iyagoo ka sheeganaya tacaddiyo ay sheegeen in ay kala kulmaan ciidamada amniga.
Banaanbaxayaashan oo si weyn u buuxiyay waddooyinka ku hareeraysan KM4 ayaa xannibay isku socodka gaadiidka, taasoo keentay jahwareer iyo hakad ku yimid isu socodka magaalada. Ciidamada ammaanka ayaa isku dayaya kala eryidda dadka mudaharaadaya, iyagoo adeegsanaya rasaas iyo awood ciidan.
Mid ka mid ah dhalinyarada ka qeybgaleysa banaanbaxa ayaa u sheegay warbaahinta: “Ciidamada ayaa naga qaada lacago sharci darro ah, waxayna nagu sameeyaan jirdil joogto ah. Saakay mid naga mid ah ayaa rasaas lagu dhaawacay.”
Dhalinyarada ayaa sidoo kale sheegay in mararka qaar laga hor istaago isticmaalka wadooyinka magaalada inkastoo ay haystaan rukhsado sharci ah oo ay ka heleen dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxay dalbadeen in si degdeg ah loo joojiyo culeyska iyo cadaadiska lagu hayo, isla markaana loo sugo xuquuqdooda shaqo.
Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ama hay’adaha amniga ee la xiriira dhacdadan. Balse xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in xiisaddu kororto haddii aan si dhakhso ah wax looga qaban cabashooyinka ay dhalinyaradu muujinayaan.