Hadal-qoraal oo ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM soo saareen ayaa ku booriyey Hoggaamiyayaasha Soomaalida inay fuliyaan Ballanqaadkooda ku aadan Doorashadda soo socoto iyo inay Heshiis ka gaaraan qoddobadda siyaasadeed ee harsan iyadoo uusan dib-u-dhac dheeraad lahayn.
“Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxay hoosta ka xariiqeen in qabashadda Doorasho Nabad ah, Hufan oo loo dhan yahay ee Doorashadda sannadkan 2016-ka noqon doontaa Tallaabo Taariikhi oo ay horey u qaadeen dhamaan Soomaalida iyo in la sii wado dadaalka Dimuqraadiyadda iyo Deganaanshaha Somalia” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Golaha Ammaanka.
Waxaa kaloo loogu baaqay Jilayaasha Siyaasadda ee Somalia inaysan xilligan u isticmaalin inay ku helaan Faa’ido Siyaasadeed, wuxuuna Goluhu hoosta ka xariiqay muhiimadda in lagu sii socdo Qorshaha Tubta Siyaasadeed ee Qarankalag bilaabo haatan ilaa sannadka 2020-ka, gaar ahaan si loo gaaro Doorashadda Hal qof iyo Hal Cod ee sannadka 2020-ka.
Dhinaca kale, 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM waxay ugu baaqeen Dowladda Federalka inay fuliyaan Ballanqaadkooda Koontadda Haweenka ee 30% ku leeyihiin Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka.
Waxaana dhamaan qeybaha oo dhan lagu booriyey inay qaadaan Tallaabooyinka muhiimka ee lagu xaqiijinayo Koontadda Haweenka ee Kuraasta Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda.
Warka Qoraalka ee ka soo baxay Golaha Ammaanka ee QM ayaa daba oscda Warbixintii ay Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating iyo Ergayga Gaarka ee Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ee Somalia, Francisco Madeira ay kaga hadleen Xaalladda Guud ee Somalia.
©Radio Dalsan