Faah faahin: Guddoomiyihii Degmada Qoryooley oo Qarax miino lagu dilay

Guddoomiyihii degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Saciid Ibraahim Xasan ayaa goor dhow qarax miino nooca dhulka lagu aaso waxaa lagula eegtay gudaha degmadaas.

Qaraxa ayaa waxaa lagu dilay Guddoomiyihii degmada Qoryooley Saciid Ibraahim Xasan, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose, qaraxa ayaa waxaa uu qabsaday gaari uu saarnaa Guddoomiyaha.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada ayaa si deg deg u tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Saciid Ibraahim.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose iyo kan Koonfur Galbeed ayaan weli ka hadal qaraxa, Al-shabaab ayaa inta badan sheegata mas’uuliyada qaraxyada noocaan oo kale ee lagu dilo mas’uuliyiinta, dhowr jeer oo horey ayaa qaraxyo lagu dilay Guddoomiyeyaal degmo ka tirsanaa Gobolka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor