Waxaa saacdihii lasoo dhaafay magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya Cudurka shubanka ugu geeriyooday Lix ruux oo uu soo ritay Cudurkaasi.
Isbitaalka degmada Garbahaareey ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay la dhigay 210 ruux oo uu soo ritay Cudurka shubanka,iyada oo shalay kaliya la jiifiyey isbitaalkaasi 40-tan Ruux oo la’ildaran Cudurka Shubanka.
Agaasimaha isbitaalka Garbahaarey Dr Aadan Cabdi Xaashi ayaa u warmay wariyaha Radio Dalsan Abuubakar Maxamed Cali,waxaana uu ka hadlay Xaalada Caafimaad ee ka jirta ee magaaladaas.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.