Hoggaamiyayaasha IGAD oo Shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga oo uga furmayo Nairobi.

Hoggaamiyayaasha 8-da Waddan ee xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD ayaa la filayaa inuu maanta Kulan ka yeeshaan Qaxootiga iyo Ammaanka Somalia.

Kulankaasi oo socon doona muddo 2 maalmood ah ayaa waxaa kaloo ka so oqeyb geli doonaan Wafuud ka kala socota QM, UNHCR, EU-da, Dowladda Maraykanka, Norway, Yeman iyo kuwo kale.

Madaxdu waxay isla eegi doponaan xalka ugu wanaagsan ee xaalladda Qaxootiga Soomaalida ku kala nool Xeryaha Qaxootiga ee dalalkaaasi

In ka badan 2 million oo Qaxooti Soomaali ayaa ku barakacay colaadaha iyo abaaraha Somalia, iyadoo 900,000 oo Qaxooti Somali ah ku nool yihiin dalalka Gobalka.

Tiro-koobka Qaxootiga Soomaalida ku nool dalalka deriska ayaa kala ah: 324,000 oo ku nool Xeryo ku yaalla Kenya, 241,000 oo ku sugan Xerooyin ku yaalla Ethiopia, 255,000 Qaxooti Somalia ku nool dalka Yemen, 39,500 ku nool Xeryaha Uganda iyo 13,000 oo Qaxooti ku sugan dalka Jabuuti.

Shirweynaha Madaxda IGAD maanta ku yeelanayaan Nairobi ayaa daba taagan Shirweynihii 28-aad ee Madaxda IGAD ku yeesheen magaalladda Muqdisho bishii September ewe sannadkii hore.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media