Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray Magaalada Tunis kana qeyb galaya Shirweyne

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo shalay ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa i diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tuniisiya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxa soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Tuniisiya, Imed Memmich iyo masuuliyiin kale, waxaana Ra’iisul Wasaaraha socdaalka ku wehlinaya qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada.

Xamse Cabdi Barre ayaa ka qaybgalaya shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa  (TICAD) kaasi oo maanta ka furmaya magaalada Tunis – shirka ayaa waxa uu socon doona labada maalmood ee soo socda.

Xamse Cabdi Barre ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Tunis waxaa uu kulamo duceedyo la qaadan doonaa qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa shirka horumarinta qaaradda Africa, isagoo kala hadli doona xoojinta arrimaha xiriirka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor