Taliyaha Taliska Milliteriga Maraykanak ka jooga Qaaradda Afrika, General Thomas Donald Waldhauser ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo lagu qabtay magaalladda Washington, wuxuuna xusay in Awood dheeri waxtar u noqon karto Hawlgalka ay ka wadaan gudaha Somalia ee ay kula dagaalamaan Alshabaab, waa sida u uhadalka u yiri.
Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddankiisa u baahan yihiin awoodo ballaaran si ay ula dagaalamaan Alshabaab, isla markaana loo helo Debecsanaan iyo in la dedejiyo Hawlgalka ay ku beegsan karaan Dagaalamayaasha Alshabaab.
Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka weli wax go’aan ah kama qaadanin Codsiga AFRICOM.
Dhinaca kale, Taliyaha Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika, General Thomas Donald Waldhauser waxa kale oo uu ka hadlay inaan loo baahnayn Hawlgal kale oo lagula dagaalamayo burcad-baddeeda ku sugan Xeebaha Somalia, kuwaasi oo dhawaan qafaashay Markab Gnaacsi, iyadoo uu afduubkaasi ahaa kii ugu hrreeyey ee ka dhaca Xeebaha Somalia tan iyo sannadkii 2012-kii.
Maraykanka waxaa Somali ka jooga Ciiddan kooban, kuwaasi oo loo fasaxay inay qaadi karaan Duqeymaha ay la beegsadaan Alshabaab, si ay uga difaacaan Ciiddanka kale ee ay wada-shaqeynta ka dhexeyso ee AMISOM iyo kuwa DFS.
©Radio Dalsan