Iyadoo shalay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in Muqdisho laga helay qofkii ugu horeeyay ee qaba Cudurka Coronavirus ayaa waxaa Hogaamiyeyaasha Xisbiga qaar ee dalka ay Shacabka u direen fariimo wacyo-gelin ah.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo duubay Muuqaal kooban oo gacmo mayrasho si looga hortagayo faafista Cudurka Coronavirus.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu C/raxmaan C/Shakuur ugu baaqay inay ku dadaalan nadaafada si looga hortego Coronavirus oo qofkii ugu horeeyay oo ku sugan Muqdisho laga helay, kaasi oo kamid yimid dalka dibadiisa.
Dhinaca kale Hogaamiyaha Xisbiga Hilimo Qaran ahan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa isna Shacabka Soomaaliyeed u diray fariin wacyo-gelin ah oo ku aadan ka hortega Cudurka halista ee Coronavirus.
Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif in Mu’asasada Caafimaad ee dalka Soomaaliya ka jirto aysan awood badan u laheyn inay qabato Shaqo badan oo ku aadan Arrimaha ka hortega Cudurka Coronavirus.
Hoos ka Daawo Warbixin uu arrimahaas ka diyaariyay Wariye Cabdiwaxii Cabdullaahi.