Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka galmudug oo shalay shiray ayaa waxa ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Baarlamaanka Maaulkaasi Galmudug.
Xareed Cali Xareed ayaa sheegay in sharci darro ay tahay xilka qaadista la sheegay in xildhibaano ka tirsan Galmudug ku sameeyeen
Waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ay Afar Maalin ka hor xilka ka qaadeen,isla markaana sharciyad uusan u heysan inuu kulan shir guddomiyo.
Baarlamaanka Galmudug ayaa haatan ah mid kala qeybsan taas oo sabab u ah khilaaf xilligaan u dhaxeeya Madaxda ugu sareysa Dowlad Goboleedka Galmudug.