Maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay Tuulooyin ka tirsan Shabeellaha Dhexe oo la gubay

Maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay tuulooyin hoostega degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo la sheegay inay gubeen dagaalamayaasha Al-shabaab 28-kii bishii lasoo dhaafay Janaayo 2022.

Wasiirka Beeraha ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamad Cumar Ceymooy oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in gebi ahaan la gubay tuulooyinka Mukay-Dheere iyo Mareerey ee hoostega Balcad, halkaas ay ku noolaayeen dad xoolo dhaqato ah.

Wasiir Maxamad Ceymooy ayaa waxaa uu sheegay in dadkii ku sugnaa laba tuulo ay ka barakaceen, kadib markii la gubay, wuxuuna sheegay in falkaas lagu gubay tuulooyinka ay ka dambeeyeen Al-shabaab, isla markaana loo baahan in loo gurmado dadka.

Wuxuu dowladda Federaalka, hay’addaha Gargaarka iyo Ganacsata ugu baaqay inay u gurmadaan dadka laga gubay guryihiin ay deganaayeen, kuwaasi oo uu xusay inay u baahan yihiin Cunto iyo goobo ay ka galaan gaboowga dhacaya.

Wasiirka Beeraha Hirshabeelle Ceymooy ayaa intaas kusii daray in Maamulkooda kaliya uusan waxba ka qaban karin dhibaatada gaartay tuulooyinka Mukay-Dheere iyo Mareerey, isagoo xusay in dadka ay barakaceen, xili loo diyaar garoobayay tacabdka beeraha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor