Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tirro Madaafiic ah oo dhowr iyo toban daqiiqo kahor kusoo dhacday qeybo kamid ah Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ahna Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Jugta Ilaa saddex hoobiye ayaa laga malqay Baraawe oo laba kamid ah ay ku dhaceen xaafadda Dayax ee ku taalla dhabarka dambe ee Xarunta Madaxtooyada Baraawe oo ay ka soocto doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.
Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in madaafiicda ku dhacday xaafadda Dayax ay ku dhaawacmeen Hooyo iyo Gabar ay dhashay, waxaana si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad, si looga dabiibo waxyeelada kasoo gaartay hoobiyeyaasha.
Sidoo kale hal hoobiye kale ayaa ku dhacay xeebta Magaalada Baraawe, waxaana Madaafiicda, kadib la maqlay rasaas ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan ee Magaaladaas.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in laamaha amniga Magaalada ay bilaabeen howlgalo lagu xaqiijinayo amniga Baraawe oo ay ka socoto doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka, iyadoona halkaas ay ku sugan yihiin Musharaxiin farabadan…