Hayádda ZAMZAM oo war ka soo saartay falka lagu laayey shaqaalaheeda deegaanka Gololeey

Abaara 1.30 duhurnimo shalay oo ay taariikhdu ahayd 27/5/2020, waxaa xarunta caafimaadka gololey (gololey health health facility), ka trisan degamada Balcad oo ay maamusho hay’adda Zamzam foundation soo galay ciidan ku labisan dareyska ciidanka oo hubaysan wejiyadana qarsaday waxayna kaxaysteen 7 kamid shaqaalihii xarunta caafimaadka iyo qof ka mid ah dadka deegaanka lamana garan halka ay u kaxaysteen.
Baadigoob kadib,  Maanta oo taariikhda tahay 28/5/2020 waxaa la helay maydadka 8dii qof ay ciidanka afduubteen. Shaqaalaha laxasuuqay  ayaa ku sugnaa marka falka afduubka dhacayay xaruntooda kuna guda jiray hawlahooda caafimaad oo ay bulshada ugu adeegayeen.
Hay’adda Zamzam Foundation waxay cambaareyneysaa cidwalba oo ka dambeysay dilka xasuuq ah.
Waa dil wadareed arxan darro ah kana baxsan bani’aadanimada oo loo geystey dad berimageyda ah oo waxba galabsanin.
Waxaan hay’adaha amniga qaabilsan ee maamul goboleedka Hir Shabeelle iyo dawladda dhexe ka codsaneynaa in baaritaan dagdag ah lagu sameeyo falkaas xasuuqa ah , ciddii ka dambeyseyna sharciga la horkeeno
Ugu danbeyn, waxaan tacsi  tiiranyo leh u diraynaa dhamaan qoysaskii, ehelkii  iyo asxaabtii ay ka geeryoodeen marxuumiinta waxaan Eebe ka baryeenaa inuu naxariista jano ka waraaabiyo
انا لله وانا اليه راجعون

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media