Hay’adda ICRC oo ka hadashay Kalkaaliso u dhalatay Jarmalka oo xalay lagu afduubtay Muqdisho.

Hadal-qoraal oo ay Hay’adda Laanqeyrta Cas Caalamiga ee ICRC soo saartay ayaa lagu sheegay inKalkaaliso Caafimaad oo u dhalatay dalka Jarmalka ay kooxo hubeysan ka afduubteen Xarunta ICRC-da ku leedahay magaalladda Muqdisho.

Ku-xigeenka Madaxa Ergadda ICRC u joogta Somalia, DANIEL 0’MALLEY ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin Ammaanka haweeneyda la afduubtay, wuxuuna xusay inay ahayd Kalkaaliso maalin kasta u shaqeyn jirtey sidii loo badbaadin lahaa Nolosha, loona xaqiijin lahaa Caafimaadka dadka Soomaalida ee aadka u nugul.

Hadalkiisa ayaa soo baxay, xilli ay Hay’addaha Ammaanka DFS ku raad-joogaan dadkii qafaashay Kalkaalisadaasi oo Muqdisho joogtay wax ka yar 2 isbuuc.

Si kastaba ha ahaatee, Afduubkaasi ayaa yimid hal maalin kadib, markii Haweeney shaqaale ka ahayd Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee magaalladda Muqdisho.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media