Hay’adaha Amniga K/Galbeed oo lagu amray dhaqan-gelinta Amaro lasoo saaray

Wasiirka Amniga dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Isaaq Cali Subag ayaa shir Guddoomiyay kulan looga hadlaayay fulinta amarada looga hortegayo faafida Cudurka COVID-19 ee kasoo baxay Guddiga Maamulkaas u qaabilsan COVID-19.

Kulanka oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyeyaasha Ciidanka Maamulka Koonfur iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM, iyagoona isla gartay fulinta amarada kasoo baxay Guddiga, si looga fogaado faafida Cudurka.

Wasiir Isaaq Cali Subag ayaa laamaha amniga Maamulka farey in ay la shaqeyaan Guddiga ka hortegga COVID-19, ayna ka qeyb qaatan sidi loo fulin lahaa dhammaan go’aamada lasoo saaray.

Guddiga ayaa amarka ay soo saareen waxaa kamid ah in bulshada deegaanada Koonfur Galbeed ay xirtaan Afsaarka (Face mask), isla markaana qofkii aan xiran lagu Ganaaxi doono lacag dhan 5 Dollar.

Guddiga amar ku bixiyay in aan la jiifan karin Masaajidyada lana keeni karin Janaasada qofka u dhinta Cudurka halista ah ee Coronavirus, sidoo kalena ay mamnuuc ahay  dhamaan kulumada, sida xafladaha iyo Shirarka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor