Waqtiga lasoo gaba-gabeynayo dhageysiga Dacwadda Badda oo la shaaciyay

Maxkamadda Cadaalada aduunka ee ICJ ayaa shaacisay waqtiga ugu dambeeya ee la dhageysan doono Dacwadda muranka badda ee u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka socotay Maxkamadda.

Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in Maxkamadda ICJ ay Go’aan ku gaartay in Dacwadda ugu dambeysa ee badda dhageysan doonto maalinta barri oo khamiis ah.

“Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ayaa berri galab 03:00pm xilliga Hague dhagaysanaysa gunaanadka Dacwadda Baddeena ee inagala dhaxaysa Kenya” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo hoggaaminayo wafdiga dowladda u dirtay Magaalada Hague.

Maxkamadda Cadaalada aduunka ee ICJ ayaa si rasmi ah u diiday Codsi uga yimid dowladda Kenya oo ku aadan in markii 4-aad dib loo dhigo dhageysiga Dacwadda Badda oo muranka gelisay, iyadoona diiday ka qeyb galka dhageysiga Dacwadda.

Qareenada u doodaya dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay soo bandhigay mowqfika Soomaaliya ee ku aaddan sida ay tahay in loo xadeeyo xuduudda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Qareenada  ayaa waxaa ay sheegeen in Soomaaliya doonayso saddex arrimood oo kala ah: In maxkakamadda caalamiga ah ay si cad u xaqijiso xaqa ay Soomaaliya u leedahay dhul badeedkaas, inay diiwaan-geliso xadgudubyada ay Kenya samaysay, iyo la joojiyo tallaabooyinka Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor