Kulan Degdeg ah oo ay Golaha Wasiiradda maanta yeesheen ayey waxay isku raaceen qodobada soo socda iyadoo la tix gelinayo codsiga Dawlada aan walaalaha nahay ee Turkiya:
- In la joojiyo adeegyadii ay bixin jirtay Nile Academy ee Dugsiyada, Isbitaalada iyo wixii kale oo hoosyimaada.
- In howl wadeenada Nile Academy ay mudo 7 cisho gudaheed ah dalka uga baxaan oo ka bilaabaneysa 17 July 2016.
- Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiya waxay si wada jir ah u balan qaadayaan in adeegyadii caafimaad iyo waxbarasho ee ay bixin jirtay Hay’adaasi sidoodii u socon doonaan. Maamul cusub na loo yeeli doono.
Hay’adda Nile Academy ayaa lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Ninkii ka dambeeyey Afgembigaasi fashilmay ee Turkiga, kaasi oo lagu magacaabo Sheekh Fatxullaah Gulen oo isagu deggan dalka Maraykanka,
©Radio Dalsan