Hay’adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International oo ku baaqday in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo dad rayid ah oo dhawaan ciidamada AMISOM ay ku dileen gudaha magaalada Muqdisho.
Ddaka AMISOM ay dishay ayaa gaarayay ilaa 4 Ruux,waxana xilliga la dilayay dadka Shacabka ah kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi qarax Miino lagula eegtay Isgoyska Ex-Koontorool Balcad ee Magalada Muqdisho.
Hay’adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa sheegtay in kiiskaas dilka ah uu yahay mid ka baxsan xaquuqda Aadanaha,isla markaana u baahan sida ay ku dhacday in baaritaan lagu sameeyo.
Dhacdadaas AMISOM ku dishay dadka rayidka ah ayaa waxaa ka hala hadlay AMISOM,Dowladda Soomaaliya iyo Ehelada dadkii la dilay.