Guddoomiyaha Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaah dhexe Qaasim Cali Nuur(Furdug) ayaa sheegay in degmada Balcad iyo tuulooyinka hoostaga aysan xilligaan laheyn Goobihii adeegtada Bulshada sida Isbitaal iyo Xarumo kale.
Waxa uu sheegay in markii Haweenka ama dadka kale ay qabtaan xanuuno daran loola soo cararo dhanka Magalada muqdisho hadana xilliyada habeenkii ay dhibaato ku qabaan.
“Runtii Caawa hadii Haweeney uu xanuun ku soo boodo malaha meel la geeyo,markaad la soo aado muqdisho soo gelitaanka ayaba dhibaato ah,waayo xaduudka ay inaag xirteen,anaga laba dal kala nihin ayuu yiri Guddoomiye Qaasim.
Waxa uu ugu baaqay Maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Soomaaliya inay us oo gurmadaan dadka ku nool degmada Balcad iyo deegaanada kale oo hoostaga,isla markaana ay ka wareejiyaan Ciidamada mararka qaar xilliyada habeenkii wadada xiraan.
Hoos Ka Dhageyso Codka guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Furdug.