Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kooxo hubeysan oo xalay gudaha Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay Haweeney la sheegay inay Uur laheyd.
Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafadda Macalin Nuur ee Degmada Dharkeenley, isla markaana waxaa Haweeneyda u geystay rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado, waxaana falka ka hor ay isku dayeen in ay xoog uga furtaan Dahab u xirnaa, hayeeshee ay diiday, markii dambana toogtay.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in markii haweeneyda la dilay, kadib ragii hubeysnaa ay ka furteen Dahabkii u xirnaa, sidoo kalena ay qaateen Mobil.
Qaar kamid ah Ehelada Marxuumada ayaa tegay halka uu ka dhacay falka, iyagoona goobta ka soo qaaday Meydka, waxaana halkaas ka baxsaday ragii ka dambeeyay falka Arxan darra ahaa.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in raga fuliya dilkaas oo ahaa laba ruux mid kamid ah la qabtay, halka kal kalena uu baxsaday.
Degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa xiliyada habeenkii ah mararka qaarkood waxaa ka dhaca falal burcadnimo ah oo geystaan rag hubeysan, kuwaasi oo dadka ka qaata waxyaabaha ay wataan.