Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Xukuumadda Federalka, Axmed Ciise Cawad ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in loo baahan yahay Shirkadda DP World oo ay leedahay Dowladda Imaaraadka inay dib uga fekeraan Qandaraaska ayรย la galeen Maamulka Somaliland.
Waxa uu Shirkadda DP Worldรย ku booriyey inay DFS la shaqeeyaan, iyadoo aan lagu xad-gudbi Karinรย Xuduudaha iyo Midnimadda dalka Somalia.
รขโฌลWaxaan ka codsanaynaa DP World inay dib uga fekeraan Heshiisyadaasiรขโฌย ayuu yiri Wasiir Axmed Ciise Cawad, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Heshiiska DP World ku horumarinayso Dekedda Berbera xadgudub ku tahay Sharci ahaanta Dowladda Somaalia.
Waxa uu intaasi ku daray inay jiraan Is-faham laรขโฌโขaan iyo Heshiis laรขโฌโขaanรย aan weli la xalinin.
Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Shirkadda DP World oo la hadlay Wakaallada Wararka REUTERS ayaa sheegay inay sida ugu dhaqsan u bilaabi doonaan Dhismaha Dekeddaha ay Shirkaddu ka hirgelinayso Somaliland iyo Puntland.
Sidoo kale, Ergayga Somaliland u jooga Imaaraadka Carabta, Baashe Cawil Cumar ayaa sheegay inaysan DFS wax shaqo ah ku lahayn Heshiiskaasi iyo inaan wada-xaajodo laga geli Karin Heshiiskaรย Shirkadda DP.