Haweeney Somali oo Wadnaheeda laga soo saaray Buro la eg Kubbadda Teniska

Dhakhaatiirta Qaliinka ee Isbitaalka Burjeel ee magaalladda Abu Dubai ee dalka Imaaaraadka Carabta ayaa ku guuleystay qaliin ay ku sameeyeen Haweeney Somali ah oo buro weyn kaga dhex taallay Wadnaheeda.

Safiya Faarax Jamaac oo 61-jir ah ayaa laga soo saaray Buro aad u weyn ayaa waxaa fuliyey Koox Dhakhaatiir ah oo uu hoggaaminayey Professor Dr Walid Shaker.

Buradaasi ayaa la sheegay inay ka dhalatay dhiig ku dhex faruurmay Wadnaheeda, taasi oo sababtay inuu xirmo mid ka mid ah Halbowlayaasha Nidaamka Wadnaha.

Professor Dr Walid Shaker aya sheegay inay baaritaankooda ku ogaadeen xeelladda ugu wanaagsan ee lagu yareyn karp khatarta ka dhalan karta in Burada laga soo dhex saaro Wadnaha Haweeneydaasi Soomaalida.

Waxa uu intaasi ku daray inay ku guuleysteen Qaliinkaasi, islaa markaana ay ka soo saareen Buro u muuqaal eg Kubbadda Teeniska oo kale.

Professor Dr Walid Shaker waxa uu sheegaay in Safiya Faarax Jamaac laga saaray Isbitaalka 5 maalmood kadib, markii qalinka lagu sameeyey, isla markaana  Isbedel muuqda laga dareemayo Xaalladeeda Caafimaad.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media