Murashax Deeqo Jibriil oo 28-jir ah ayaa ka soo jeeda dalka Somalia oo ka mid ah 7-dii dal ee uu Madaxweyne Donald ku soo rogay Xayiraadda Socdaalka, waxayna u tartamaysaa Xilka Golaha Deegaanka ee magaalladda Boston ee Gobalka Massachusetts ee Maraykanka.
Deeqo Jibriil oo dalka Maraykanka tegtay iyadoo 12-jir ah ayaa sheegtay inay doorasho Adag u geli doonto Kursiga Golaha Deegaanka ee Boston, waxayna intaasi ku dartay inaysan Boston marnaba soo marin Murashax iyada oo kale.
“Ka Qaxooti ahaan ka yimid Somalia, Doorashadda waa dagaal aad muhiim u ah haatan sidii uu horey u ahaa” ayey tiri Deeqa Jibriil oo xustay inay Fursad u tahay Doorashadaasi.
Deeqa Jibriil waxay noqotay U-doode Bulshadda Qaxootiga, waxayna ku guuleysatay sidii ay Qoysaska ugu dhiiri-gelin lahayd inay Ganacsi bilaabaan.
“Ganacsiga Soomaalida waa mid ka mid ah kuwo sida aadka ugu koraysa magaalladda Boston, iyadoo ay 17 ku yaallaan Fagaaraha Dudley” ayey tiri.
Degmadda Roxbury oo ay doonayso inay matasho, iyadoo Go’aanka inay Qaxootiga tartamaan tahay mid dhiiri-gelin mudan, inakstoo Cod-bixiyaal kale sheegayaan inay aad uga walaacsan yihiin waxa ay Murashax Deeqa Jibriil u qaban doonto Bulshadda, marka loo eego Diinteeda ama Asaaskeeda Hore.
Murashixiinta waxaa la filayaa inay codkooda si rasmi ahaan u hdiibtaan Bartamaha bisha April ee soo socota.
©Radio Dalsan