Maxaa looga hadlay ku dhexmaray Madaxweyne Qoorqoor iyo Wakiilka  Midowga Afrika?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan magaalada Muqdishu ayaa kulan la qaatay Ergeyga cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya mudane Mohamed Souef.

Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha dhowr ah oo ay ugu weyntahay xaaladaha amni iyo sidii ATMIS qeyb uga noqon laheyd howlgalada Galmudug ay hogaamineyso ee lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa u sheegay wakiilka Midowga Afrika dedaalka Maamulkiisu ugu jiro la dagaalanka Al-shabaab iyo sidii adeegyada bulshada loo gaarsiin lahaa degaanada laga saaray Shabaabka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ahaa madaxda dowlad goiboleedyada dalka ee ka qeyb galay shirkii golaha wada tashiga Qaran ee laba maalin ka hor la soo xiray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor