Doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta aqalka sare ku metelaysa maamul goboleedka Galmudug ayaa goor dhow ka aabantay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u aha maamul Goboleedka Galmudug.
Guddoomiyaha Gudidda hirgelinta doorashooyinka heer federal Maxamed Xasan Cirro iyo xubno ka socda Gudidda xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa iyaguna goobta doorashadu ka dhacayso ku sugan.
Doorashada oo hadda si toos ah u socota ayaa waxaa ku tartami doona Lix kursi oo horay loo siii shaaciyay in maanta doorashadooda la qabanayo, waxaana musharixiinta tartamaya ay tiradoodu gaaraysaa 12 musharrax.