Haweeney Muslimad Ah Laga Soo Masaafuriiyey Maraykanka

Yaasiin C/majiid oo haysata dhalashada Australia.balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Sudan ayaa loo diiday inay soo gasho Maraykanka, waxaana maanta laga soo masaafuriyey dalkaasi.

Yaasmiin c/majiid ayaa la sheegay inay Saraakiisha Xuduudaha Marayakanka ku joojiyeen Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Minneapolis, isla maarkaana ay baareen Mobilkeeda, ka hor intaysan Fiisaha ka kansal gareynin.

Qoraal ay saakayto soo dhigtay Barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in dib loogu soo celiyey Diyaaradii ay la socotay.

Yasmiin C/majiid oo 27-jir ah, waxay ka qeyb geli lahayd Shirweyne bishan 18-da ka furmi doona magaalladda New York, kaasi oo looga hadlayo Nacaybka Online-ka ee loo geysto Haweenka Muslimiinta.

Hay’adda Caalamiga ee PEN INTERNATIONAL oo ah Urur u ololeeya Xorriyadda Hadalka ayaa soo qabanqaabiyey Shirkaasi ka furmi doona New York.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media