Kooxo hubeysan ayaa Caawa waxa ay qeybo ka mid ah Xaafada Zeybiyaano ee degmada Hodan waxa ay ku dileen Haweeney ka tirsaneyd Ciidanka Booliiska Soomaaliya.
Kooxaha ayaa Haweeneyda oo lagu Magacaabi jiray Kaaha Jaamac ugu tegay Dukaan ay ku laheyd Zeybiyaano sida ay Dalsan u sheegeen qaar ka mid ah dadka ku nool Xaafada Zeybiyaano ee degmada Hodan gobolkan Banaadir.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in xiliyada Habeenkii ay Dukaankeeda iibin jirtay halka maalintii ay gudan jirtay wajibaadkeeda qaran.
Dadkii ka dambeeyay dilka Haweneyda oo aan la ogeyn cida ay yihiin ayaa goobta ka baxsaday waxaana Meydkeeda hadda la keenay oo uu yaallaa Xarunta Dembi-Baarista ee CID,da.
Dhowr mar ayaa Muqdisho waxaa lagu dilay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo isugu jira Booliis, Nabad-Sugid iyo Milateri intaba, kuwaas oo dadkii dilay aan la soo qaban wallow ay sheegtaan dilalkaas Al-Shabaab