Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Sabtida Maanta waxa ay kulankoodii cadiga ahaa ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Kulanka Maanta ayaa ka dawan kulmadii hore,waxana Ajendaha uu yahay khubad dheer ee uu Xildhibaanada u jeedin doono Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud.
Khamiistii ayuu soo gaaray muqdisho,waxa uuna shalay booqday ciidamada Jabuuti ee ku sugan Magaalada Baladweyne halka ugu dambeyn uu Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uu khubad u jeedin doono.
Xildhibaanada Golaha Shacabka qaarkood ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in lagu wargeliyay kulanka iyo Ajendayaasha Maanta oo noqon doona Qaybinta iyo Akhrinta Warbixinta Guddiga Garsoorka ee la Xariira Dhismaha Guddiga Adeega Garsoorka iyo Fadhi Gaar ah oo kusaabsan Hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamed Cali Xamud.
Khubada Gudoomiyaha Baarlamanka Jabuuti ayaa waxa uu diirada ku saari doonaa wadaShaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Jabuuti iyo sidoo kale taageerada Dowladda Jabuuti ay siiso Shacabka Soomaaliyeed.
Sikastaba kulanka Maanta ayaa ka duwan kulmadii hore waxaa si weyn loo adkeeyay Amniga Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.