Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow,ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyaha degmada Deeyniile,isaga oo Guddoomiyihii Cusub u Magacaabay degmadaas.
Warar ay sihoose u heshay Idaacadda Dalsan ee Magalada Muqdisho ayaa sheegaya in xilka Guddoomiyaha degmada Deeyniile loo Magacaabay Maxamed Abuukar Jacfar oo mar soo noqday guddoomiyaha degmada Howl-Wadaag iyo taliyaha Ciidanka xasilinta Caasimadda walow markii dambe la kala diray.
Waxaa xilka laga qaaday Cabduweli Nuur Faarax oo mudo ka yar lix bilood ahaa Guddoomiyaha degmada Deeyniile ee Gobolkan Banaadir.
Dhowr bil ka hor ayay aheyd markii duqa Muqdisho uu isbedel ku sameeyey guddoomiye ku xigeenadii degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee gobolkaan Banaadir.