Muwaadin Somali-Maraykan la dhaawacay, laguna soo oogay inuu geystay dil iyo dhac hubeysan

Dembi-baarayaasha Boliska magaalladda San Diyeego ee dalka Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay Muwaadin Somali Maraykan lagu magacaabo  Ahmed Hassan Mumin, kaasi oo lagu xiriirinayo dhac hubeysan iyo dil uu ka geystay goob lagu iibiyo gaaska oo ku taalla San Diyeego.

Eedeysanaha oo 30-jir ah ayaa la sheegay in lagu dhaawacay rasaas ay Boliska is-weydaarsadeen, waxaana loo qaaday Isbitaalka, iyadoo uu dhaawac culus ka soo gaaray Laabta.

Ahmed Hassan Mumin, ayaa la sheegay inuu goobta lagu iibiyo gaaska ku dilay mid ka mid ah Macaamiisha oo la oran jirey Erik Shaade oo 60-jir ah.

Dhinaca kale, Eedeysanaha ayaa la sheegay in lagu soo oogi doono fal-dembiyeedyadda kala ah Dil, dhac hubeysan iyo Isku-day dilka labo ka tirsan Saraakiisha Boliska.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor