Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf oo qaadacay Shirkii deg dega ahaa ee uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

Shalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu shir deg deg ah isugu yeeray Madaxda iskhilafsan ee Galmudug kaas oo Muqdisho ka dhici laaa 24-ka Bishaan si ay u wada hadlaan,waxana baaqaas ku gacan seyray Madaxweynaha Galmudug.

War-saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Duceele Geelle Xaaf ayaa waxaa lagu sheegay inaysan jirin wixii ka dambeeyey 18-kii bishan September khilaaf ka dhaxeeya Madaxda Galmudug.

Hayeeshee waxa hadda jira laga soo abuubulay Madaxtooyada Soomaaliya,isla markaana Galmudug u baahneyn in xalinteeda Muqdisho loo soo aado balse ay u baahan tahay in laga daayo faragelinta.
Geba gabadii qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ee Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya laga doonayey inay ka warsugto guddigii Aqalka sare ee yimid Magalada dhuusamareeb.

Hoos Ka Dhageyso Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo Akhrinaya Warsaxaafadeedka Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug ka soo baxay.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor