Alle ha u naxariistee waxaa goordhaweyd Degaanka Garasbaaleey lagu dilay Maxamed Cabdi Axmed Xayle Guddoomiyihii degmada Xamar Jajab ee Gobolkani Banaadir, waxaana la helayaa warar kala duwan oo ku aaddan dilka Guddoomiyaha.
koox hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in ay Guddoomiyaha ku dileen Xaafadda Sarakuusta ee Degaanka Garasbaaleey ee Duleedka Muqdisho, waxaana goobta isaga baxsaday dableydii falka dilka ah fuliyay.
dad goobjoogayaal ah ayaa soo sheegaya in goobta ay gaareen Ciidamo ka tirsan Dowladda oo howlgallo sameeyay ay ku baadi goobayaaan dableydii dilka gaysatay, waxaana ilaa hadda la shaacin cid loo soo qabtay falkaasi dilka ah.