Iyadoo Magaalada Muqdisho uu wali ka socdo Shirka Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxa soo badanaya Mas’uuliyiinta ku biiraya shirka, waxaana Shirku uu galay Maalintiisii seddexaad.
Shirka ayaa waxaa Caawa ku biiray Guddoomiyaha Golola shacabka baarlamaanka Soomaaliya maxamed Mursal Sh.Cabdiraxmaan iyo Ku Xigenkiisa Cabdi Weli Sh.Ibraahim Muudeey, waxaana hadda ay gaareen Hotelka uu shirku ka socdo.
Shirka ayaa waxaa horay ugu biiray Guddoomiyaah Aqalka Sare Cabdi Xaashi cabullaahi iyo Mas’uuliyiin kale, kuwaas o maanta qayb ka noqday Shirka.
Shirka Madawga Musharixiita Madaxweynaha ayaa haatan u muuqda in uu galayo Marxalad xasaasi ah, iaydoo ay Musharixiintu si weyn kaga doodayaan arrimo la xiriira Doorashooyinka dalka ka dhacaya, waxaana doodad ugu weyn ay ka taagan tahay Guddiyada doorashooyinka.