Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa Magaalada Baladweyne kula kulmay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre ayaa kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa uu ahaa is-xogwareysi ah,iyadoona labada dhinac iska xog-wareystay arrimo kala duwan oo ku aadan arrinta ka Khilaafka ka taagan Gobolka.
Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre ayaa waxaa uu sheegay inta uu ku sugan yahay Magaalada Baladweyne inuu kulamo gaargaar ah la yeelan doono qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Maamulka Gobolka iyo kan degmada.
Waxaa kaloo uu tilmaamay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle inuu ka shaqeyn doono Horumarka iyo soo celinta Nabada Gobolka iyo guud ahaan dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo.
Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne ayaa waxaa Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre iyo wafdiga la socday kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle,Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan bulshada ku dhaqan halkaas.
Ujeedka uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle u gaaray Baladweyne ayaa waxaa ay tahay sidii uu qeyb qaadan lahaa dhameynta xiisada weli u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka qaadista lagu sameeyay ee Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.