Almaas Elman oo lagu toogtay gudaha xalane ee Muqdisho

Wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka helayso xarunta Xalane ayaa sheegay in goordhow halkaas ay ka dhacday toogasho loo geystay Gabar lagu magacaabo Almaas Elman.

Almaas Elman ayaa aheyd xoghayihii koowaad ee hore ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, iyada oo ka tirsaneed hay’adda Elman, waxaana toogashadu dhacday xili ay ku socotay gaari dhex marayay gudaha xarunta xalane ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Gabadha lagu toogtay Xarunta Xalane ayaa waxaa la sheegay inay walaalo ahaayeen Ilwad Elman oo dhowr jeer u tartantay Abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize.

Ilaa iyo haatan lama oga cidda ka dambaysa toogashadaas hase’ahaatee waxaa la xaqiijiyay geerideeda,mana jirta cod si dhab ah uga hadashay arrintaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media