Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Caawa ka dhoofay Muqdisho

Wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa Goordhow ka Ambabaxaya Gegida Diyaaradaha Aadan Cabdulle International Airport ee Magaalada Muqdisho,

Wafdiga Guddomiyaha uu Hogaaminayo ayaa ka Qqeyb gali doono Shirka Sanadlaha ah ee Parliamentary Union of the OIC Members States (PUIC) oo berri ka furmaaya Magaalada OUAGADOUGOU oo ah Caasimadda Dalka BURKINA FASO Galbeedka Afrika.

Shirkan oo sanadkiiba mar iskugu yimaadaan Baarlamaanka Wadamada ku bahoobey OIC iyo PUIC , oo sanad walba lagu qabto mid ka mid ah Caasimadaha Wadamada xubnaha ka ah Ururkan, ayaa sanadkii hore wuxuu kadhacay CASABLANCA oo ah Caamisamadda Dalka MOROCCO.

Shirkan oo ah mid lagu lagu gorfeeyo laguna difaaco danaha Wadamada Dadyoowgooda Muslimiinta u badanyihiin ayaa waxaa qayb ka ah Dhamaan wadama Carbeed, qaar ka mid ah Wamada Qaaradda Afrika iyo sidoo kale Qaarka mid ah Wadamada Latin-America , Dalalka Turkiga iyo Iran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media