Goddoomiyaha Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka Tim Walz ayaa booqday Suuqa weyn ee Soomaalidu ku leeyihiin Magaalada Minneapolis ee lagu magacaabo 24-ka.
Booqashada waxaa Guddoomiyaha ku wehliyay Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan maamulka Gobolka oo Soomaali ah,waxaana uu ahaa mid loogu kuur gelayay sida uu u shaqeeyo Suuqa Soomaalida ee Minneapolis
Goddoomiyaha Gobolka Minnesota ee dalka Tim Walz oo kulan gaar ah la qaatay ganacsatada Suuqa 24-ka. ayaa ku booriyay in ay sii laba jibaaraan howlahooda iyo in laga shaqeeyo badqabka caafimaadka dadka.