Friday, April 26, 2024

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya

READ ALSO

Guddoomiye Yarisow ayaa boggaadiyay kaalinta dawladda Sweden kaga aaddan taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha shaqo abuurka. waxaana uu sheegay in xiriirka labada dal ee xoogan uu horseeday mashaariic iyo kaalmo dhinacyo kala duwan oo mar walba Sweden ay siiso bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa tilmaamay arrimaha sida gaarka ah diiradda loogu saaray kulanka inay kamid tahay horumarinta Caasimadda iyo in dhalinyarada loo helo fursado shaqo, sidoo kale waxaa la isla soo qaaday in la sii xoojiyo kaalmada ay Sweden siiso Gobolka Banaadir.

Labada mas’uul waxay mar kale xaqiijiyeen wada-shaqeynta xoogga leh ee ka dhexeysa Safaaradda Sweden iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo inay ka go’an tahay inay si intaa ka dhow u wada shaqeeyaan.

Related Posts

Next Post

POPULAR NEWS

EDITOR'S PICK

Welcome Back!

Login to your account below

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.