Madaxweyne Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay booqashadii shaqo ee uu ku joogay dalka Kenya,isaga oo manta dib ugu soo laabtay Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Booqashada Madaxweyne Farmaajo oo aheyd hal maalin,ayaa intii usan ka ambabixin dalka waxa ay aheyd mid deg deg ah oo aan horay loo sii shaacin.
Madaxweyne Farmaajo aya intii uu ku sugnaa dalka Kenya waxaa uu la kulmay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta,iyaag oo ka wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen amniga,Ganacsiga iyo xoojinta xiriirka labada dal.
Booqashadan oo ahayd mid miro dhal ah ayaa waxa ay sii adkeynaysaa xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal ee dhinacyada ammaanka, ganacsiga iyo waxbarashada.