Faah faahino dheeraad ahaa ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay degmada wadajir ee gobolkaan Banaadir kaas oo la sheegay in uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ku qarxay meel u dhow Xarunta degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa oo ka dhacay goob aad u mashquul badan oo ah Suuqa weyn ee degmada.
Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/llaahi Xasan iyo qaar ka mid ah Ilaaladiisa ayaa goor dhow ku dhaawacmay qarax ka dhacay nawaaxiga xarunta degmada Wadajir, halkaasoo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay.
Ciidamo fara badan oo kuwa Ammaanka ah ayaa goobta gaaray, iyagoo xiray wadada, sidoo kale gaadiidka ambalaaska ayaa bilaabay qaadista dadkii ku waxyeeloobay qaraxa