Faah faahino dheeraad ahaa ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay degmada wadajir ee gobolkaan Banaadir kaas oo la sheegay in uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ku qarxay meel u dhow Xarunta degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Gaari nooca Soomalida u taqaano Hoomeyda,ayaa la sheegay in agu weeraray xarunta,waxana qaraxa kadib la maqlay rasaas aan la ogeyn cida ridyesa.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaas ay waxyeelo kas oo gaartay dad Shacab ah maadaama Xarunta degmada Wadajir ay ka agdhow dahay Suuqaweyn ee degmada Wadjir.
Sidoo kale waxaa la sheegaay in qaraxaas ay ku dhinteen in ka badan 14 ruux halka uu ku dhaawacmay gudoomiyaha cusub ee degmada Wadajir Cumar C/llaahi Xasan.
Wixii ku soo kordha la socda radiodalsan.com