Dhageyso:-Barnaamijka Dooda Radio Dalsan 23-11-2018

Barnaamijka Dooda Dalsan Waa Todobaadle,waxana lagu soo qaataa xaalada Siyaasadeed iyo mid Bulsho ee ka taagan dalka.

Todobaadkaan waxaa Barnaamijka looga hadlayaa khilaaf soo kala dhexgalay Wasaaradda Warfaafinta Hir-Shabeelle iyo Wariyeyaasha ka howlgalla deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle.

Barnaamijka waxaa ka qeyb galaya Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Hir-Shabeelle Maxamed Xasan Kulmiye,Xaawo Luul oo ka Shaqeysa Radio Baladweyne oo ku hadla Afka Maamulka Hir-Shabeelle, Bashiir Cabdullaahi Cusmaan oo la Shaqeeya Eryal Tv iyo Cabdifitaax Cabdullaahi Yuusuf oo ah Wakiilka Tv-ga Badacas ee deegaanada Hir-Shabeelle.

Barnaamijka waxaa soo jeedinaya Axmed Xuseen Cadow,farsamadii Maxamed Xuseen(Xusni).

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor