Well waxaa la sugayaa baaritaanada ku aadan Guddigii loo xilsaaray baaritaanada kiiskii Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa Madaxda Jabhadda ONLF kaas oo Dowladda Itoobiya lagu wareejisay.
Guddigaan ayaa waxaa natiijada ka soo baxday baaritaankooda laga sugayay 10 Bishaan oo ku beegneyd Jimcihii shalay balse kulankii Maanta Baarlamanka Soomaaliya ay dalbadeen in waqtiga loo kordhiyo.
Cabdi Samad Macalin Maxamed oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ahna Gudoomiye ku xigeenka Guddigaas ayaa sheegay in baaritaanadooda xoogaa ay dib-u dhacday balse ay codsanayaan in waqti kale oo dheeri ah loogu daro.
Dhanka kale gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka shir gudoominayay ayaa sheegay in Guddigaanbugu dambeyn Maalinta Sabtida ah ee soo socota laga sugayo natiijada Kiiska Qalbi Dhagax oo 27 Bishii Agosto loo Gacan geliyay Itoobiya.